Mucjiso, Shini Iyo Qoys Guri Kaliya Ku Wada Nool.

Shinnidu waxay ka mid tahay xayawaanka faa’iidada weyn u haya bani’aadanka, balse waxay mararka qaar ku noqotaa khatar aad u saameyn badan.

Waxaa jira dad aad u tiro kooban oo ay heshiis la noqoto Shinnidu ama aysan waxba u dhibin, kuwaasoo ay ka mid yihiin shakhsiyaadka malabka ka faa’iideysta iyo kuwa sida gaarka ah ula saaxiiba.

Laakiin sheekadan way ka duwan la heshiinta Shinnida iyo la qabsigeeda, waxayna u muuqataa arrin mucjiso ah, dad fara badan ayaana la yaabban sida ay suurta gal ku noqotay.

Nin lagu magacaabo Gosa Taffese, oo u dhashay dalka Itoobiya, wuxuu dhaqdaa Shinnida, aad bayna u jeceshahay.

Balse arrinta layaabka leh ayaa ah in Mr Taffese uusan isagu Shinnida raadsanin, laakiin ay Shinnidu ay isaga soo raadsatay.

Image captionShinnida ayaa meel kasta ka mushaaxda gurigiisa
Guriga ay ku nool yihiin qoyskiisa ayey lasoo degtay, iyadoo aan wax dhibaato ah u geysaneyn.

“Dadku waxay iigu yeeraan ‘Aabaha Shinnida’, ama ‘Aabaha Malabka’, way ii imaadaan wayna ila joogaan aniguna waxaan u arkaa iney qeyb ka yihiin qoyskeyga”, ayuu yidhi Gosa.

Muddo 15 sano ah ka hor ayey Shinnidu go’aansatay iney ku biirto qoyska Gosa Taffese, halkaas oo ay si caadi ah ugu nooleyd isla markaana ku sameysaneysay malabkeeda.

Mar uu Gosa ka hadlayay inta uu qiyaas ahaan la egyahay Malabkeeda ayuu yidhi: “Markii hore waxay dhalijn jirtay malab aad u fara badan oo qiyaas ahaan gaaraya 25 ilaa 30 kiilo, laakiin hadda wuu yaraaday”.

Markii hore waxay sameyn jirtay 25 ilaa 30 kiilo oo malab ah

Image captionShinnidu markii hore waxay sameyn jirtay 25 ilaa 30 kiilo oo malab ah
Dhanka kale, Shinnidan waxay dhaqdhaqaaqyo ku sameysaa guud ahaan qeybaha kala duwan ee guriga qoyskan, iyadoo mararka qaar xitaa tiro badan ku gasha qolalka jiifka.

Carruurta uu dhalay Taffese iyo dhammaan xubnaha kale ee qoyskiisa ayaa la qabsaday Shinnida la nool.

Gosa ayaa sheegay in isaga iyo qoyskiisaba aysan wax khatar ah u arkin Shinnidan la nool, iyaduna aysan ku soo xadgudbin waligeed.

Balse wuxuu intaas ku daray in aysan isku mid u ahayn dadka ku nool gurigiisa iyo kuwa kale ee dariska la ah.

“Wax dhibaato ah uma aysan keenin Carruurta balse mararka qaar dariska ayey dhibtaa weyna iiga soo sheegtaan, sidaas darteed waxaan isku dayay inaan iska fogeeyo laakiin mar walba dib ayey iigu soo laabataa”, ayuu yidhi ninkan loo yaqaanno “Aaabaha Shinnida”.

Qoyskan waxay Shinnidu ku kalliftay iney saaxiibbadooda iyo qaraabadooda ku soo booqdaan guryahooda, maadaama aan loogu imaan karin guriga ay Shinnidu kula nooshahay.

Yemariamwork Gosa, oo ah gabadh uu dhalay Gosa ayaa tiri: “Saaxiibbadey Shinnida ayey ka cabsadaan sidaas darted aniga ayaa gurigooda ugu taga, marka aan dhaho na keena gurigeyga ila taga aad ayey u baqaan”.

Mr Gosa wuxuu sheegay in Shinnidu ay ula safarto meelaha uu aado, xitaa haddii ay yihiin magaalooyin aad u fog fog, sababtaasna isagu ma oga.

“Uma arko inaan dadka kale ka duwanahay, balse waan aqbalay inaan sidan ahay, waana oggolaaday inaan isku meel ku hoyanno Shinnida”, ayuu yidhi.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *