Baaqa Maayar Saleeban Xasan Xadi..Waxa Qoray Abdirahman Aburaaz

Maayar waxaad balan u qaaday cadaalad iyo sinaan In aad ku shaqaynaysid imikana waa aynu aragnaa wado xumada aad dhawaan u nanabtay shacabka reer borama waa dariiq rajadiimsu yartahay waana halbawlaha isku xidha suuqa boorama iyo xaafada sheekh cali jawar oo ilaa maalintii lagu doortay dayacnayd, mantana aad u nanabtay wado macmala durbaba aad moodid wado soo jirtay sanado marka dusheeda la dulmaraayana ay la micno tahay adoo maraya buurtii dhoobo. Sidaa daraadeed qalab waad soo iibsateen qaaliya, lacag la,aan idinma hayso, sidaa awgeed maayar waxaan ku leeyahay oo aan kuugu baaqayaa inaad wadada si dhaba oo daacadnimo ku jirto aad dayac tirtid, waxaad ku heli doontaa magac, sidoo kale waxaad ku kasbaan doontaa taageerayaal badan runtii wax badan waad qabateen waan kugu hambalyaynaynaa laakin waxaan ku leeyahay waxqabadkaagu ha ahaado mid la shaqaynayaa meelaha baahidu ka jirto iyo wadooyinku siday u kala muhiimsan yihiin.

Wadada dhawaan aad dhigteen ee ag marta aqalka madax waybe ku xigeenka iyo wadada isla maalintaa aad samayseen ee aqalka madax wayne ku xigeenka tagaysa waa labo wado oo kala tayo fiican taasina waxay sal u noqonaysaa mala awaalka beenta ah ee shacabka ku mado daalinaysaan wadadii shacabku itaal daro ayay u liidataa tii madaxwayne ku xigeenkana tayadeeda waad yaabta , maayir waxaanu ku keenahay waa maxay?

WADADA AAD DHISTEEN MAAYIR SALEEBAN MAXAY U BAAHAN TAHAY?

Waxay u baahan tahay dayac tir dhamays tiran oo wadada ah ,

Laydhkii wadooyinka iyo qurxin guud “Street lights”

Nadaafada xumada iyo qashinka hareeraha wadada yaala oo si joogta looga qaado.

Baaq ku socda haayada wadooyinka

Waxaan halkan baaq iyana uga dirayaa haayada wadooyinka qaranka inay wax ka qabtaan wadooyinka wadanka oo dhan , waxqabadkooduna ku salaysnaado kolba halka muhiimka inoo wada ah , waxaan iyana ku boorinayaa inay wax kaqabtaan wadooyinka gaar ahaan wado kasta oo ay gacanta ky hayaan maayirada magaalooyinku waaayo taasi waxay keenaysaa ina la helo wadooyin tayo leh oo anfaca bulshada.

Baaqa ku socda gudida xaafadaha ay marto wadada saleeban mazulka ka ahaa

Waxaan kale oo aan halkan uga soo jeedinayaa gudida xaafada/ bulshadaba inay markasta ka hadlaan arimaha wado xumada xaafadaha iyo baahiyaha yaal ee kala duwan sidoo kale inay maayarka iyo gudida horumarinta xaafaduba ay kulmaan oo ay ka wada shaqeeyaa sidii wadada looga dhigi lahaa wado caalamiya oo qurux badan, markasta ugu baaqaan in wadadadaas iyo kuwa magaaladaba la dayac tiro.

Waana shaqada u taaala duqa boorama waana waajib saaran oon uga aamusayn inta ay jirto musuqa iyo ka ganacsiga bulshada ay ka ganacsanayaan , maayir badal nidaamkan khariban eeed ku wadid dawlada hoose.

Bulshadana waxan ugu baaqayaa inay ka hadlaan kana mudaharadaan in khayradkiina ama dhaqaalaha aad bixisaan dad gaari ay ku tagri falaan waa u doqoniimo shacabka.

Muhiimada qoraalkaygani waa mid aan doonayo in wadanka iyo wadooyinkiisaba la qurxiyo lana dayac tiro si cadaalad ah iyo sida kolba baahidu tahay.

By Abdolrahman Aburaaz

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *