Daawo Sawirada:- Shirkada Dahabshiil Group Oo Kaalin Muuqata Ka Qaadatay Qabsoomida Xaflada Qalinjabinta Dufcadii 18aad Ee Jaamacada Camuud.

Borama(Awdaltoday) Shirkada Dahabshiil Group Ee Iskugu Jirta Somtel,Edahab,Dahabshii iyo Dahabshiil Bank ayaa Siweyn Uga qayb qaadatay Qabsoomida Xafladii ay jaamacada camuud laga qalinjabinayey Taasi Oo Dahabshiil Group ay ahayd Shirkada Kaliya Ee Sida Weyn Uga Dhex Muuqatay Munasibadaasi.

Shirkada Dahabshiil Group ayaa Jaamacada Camuud Uu Ka Dhaxeeyo Xidhiidh wanaagsan iyada oo shirkadaasi horey uga qayb qaadatay Dhismaha Dibu Balaadhinta Hoolka Lagu qalinjabiyo Ee Jaamacada Camuud.

Shirkada Dahabshiil Group oo ah Shirkad Waddani ayaa Guud ahaan Dalka Oo dhan siweyn uga qayb qaadata dhanka horumarka,takulaynta Iyo Dhiirigelinta Dhalinyarada Da’da Yar.

Maaha Markii Ugu Horeysay Ee Shirkada Dahabshiil Group ay Gacan Ka qaysato Xaflada Qalinjabinta Jaamacada Camuud Balse Xaflad Kasta Oo qalinjabinaya Ayaa Shirkadaasi Kaalin weyn ka qaadataa.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *