Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya In Saaka Ay Xukuumadu Lacag U Qeybisay Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland + [ Sababta Loo Siiyey ]

Warar xog ogaal ah oo shabakada Ilaysnews.com ay la wadaageen xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada Somaliland oo ka cudur daartey in magacooda la xuso ayaa sheegay in xukuumada madaxweyne Muuse Biixi ay saaka lacag u qeybisay qaar ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada .

Warkan oo aan si rasmi ah u cadeyn ayaa  shabakada Ilaysnews.com ay xildhibaanadu  u sheegen in saaka  Hotel Grand Hadi ee magaalada Hargeysa lacagta loogu qebinaayey  xildhibaanada xisbiga Kulmiye ugu jira golaha wakiilada .

Xogaha ayaa sheegay in xildhibaan kasta la siinaayey lacag u dhaxeysa  $ 1500-2000  ( Kun Iyo Shanboqol Ilaa Laba Kun Oo Dollar ) ujeedada  loo siinaayey ay aheyd sidii ay xildhibaanadu cod aqlabiyad leh ku ogalaan lahayeen xubnaha cusub ee kominshanka doorashooyinka oo muran xoogani ka tagaan yahay .

Madaxweyne Biixi oo maalmo sii horeysay ka hadlaayey meel munaasibad ah ayaa sheegay in xubnaha  ay cabashada ka keenen xisbiga Waddani ee uu kominshanka u magacaabey xalka ka gaadhistoodu  u taalo golaha wakiilada oo uu hor geeyey .

Xisbiyada UCID iyo Waddani ayaa waxaa ay dhawaan cabasho ka gudbiyeen isla markaana ay ka biyo diideen xubno ka mid ah saddexda xubnood ee madaxweyne Biixi u soo xulay kominshanka cusub ee doorashooyinka , kuwaas oo ilaa hada uu murankoodu taagan yahay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *