Gambia Oo Ku Dacweeysay Maxkamada ICJ Dawlada Myanmar Oo Xasuuqday Muslimiinta Rohinga.

Wadanka yar ee galbeedka Afrika ee Gambiya ayaa eedaysay dawlada Myanmar, kana gudbisay dacwad xasuuq oo ay dawladan ka arimisa dalka ku yaala qaarada aasiya gaar ahaan qaybta loo yaqaan bariga fog ay u kula kacday dadka mulimiinta ah ee Rohingya.

Maalintii isniintii ayay Gambiya ku xeraysay dacwadan maxkamada caalamiga ah ee cadaalada (ICJ) taas oo ah mid caalami ah oo ka gar naqda muranka udhaxeeya dowladaha.

Markii ay fayl gareysay dacwadan ayaa dawlada Gambiya waxay weydiistey maxkamada inay xadgudubyo aadame ku soo oogto Myanmar, sidoo kalena la amro in si dhaqso ah ay u joojiso xasuuqa ka dhanka ah dadkeeda Rohingya”.

Abubacarr M Tambadou, garyaqaanka guud ee Gambiya ahna wasiirka cadaalada, ayaa hogamiyay dadaalka lagu maxkamadaynayo Myanmar, waxana uu sheegay in uu dalkiisu ka damqaday xaquuqa loo gaystay dadka muslimiinta ah.

Gambiya oo dadkeedu inta badan Muslim yihiin ayaa waxa ay sidoo kale taageero ka haystaan 57-ka xubnood ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo koox qareenno caalami ah.

Sanadkii la soo dhaafay, Qaramada Midoobay waxay soo saartay warbixin wax ku ool ah oo daaha ka faydaysay rabshadaha ka socda Myanmar, iyadoo sheegtay in hoggaamiyeyaasha milatariga ay tahay in maxkamad la soo taago si loogu qaado dambiyo xasuuq, balse dowlada Myanmar ayaa beenisay in ciidamadeeda ay galeen dembiyo noocaas ah. Dambiyadan oo aanay jirin cid u qabsatay awgeedna waxa ay sababeen in ay adkaato in Myanmar dacwad toos ah lagu soo oogo.

Waxa ay ahayd sanadkii 2017kii markii Kumanaan reer Rohingya ah la diley in kabadan 700,000 na ay u qaxeen dalka deriska la ah ee Bangladesh waqtigaas oo ay socdeen rabshadihii u dhaxeeyay muslimiinta Rohinga iyo ciidanka milatariga ah, kuwaas oo ka dhacay wadan ay dadkiisa badidiisu ahaystaan diinta Buddhist-ka.

Si kastaba ha ahaatee Gambiya iyo Myanmar ayaa labaduba waxay saxeexeen ka mid noqoshada maxkamada Aduunka oo la dhisay sanadkii 1948, waxana ay tan la micno tahay in ay ku qasban yihiin in dambiyo aadambe lagu soo oogi karo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *