Daawo Sawirada:- Jaamacada Horn International University Faraceeda Borama Oo Buugaag Daabaca Iyo Buug Ay Ardaydu Wax Ku Bartaan Ugu Deeqday Dugsiga Sare Ee Ubaya Binu Kacab Iyo Dugsiga Sare Sh.Cumar Good Ee Degmada Dilla.

Borama(Awdaltoday) Jaamacada Caalamiga ah ee Horn International University oo u Taagan caawin Iyo Garab istaaga Bulshada Ayaa Waxay Caawimo Buugta Daabacada Iyo Buugta Ardaydu Wax Ku Qortaan ah Ku Caawiyay iskuulada Sare Ubaya Binu Kacab Borama Iyo Omar Good Magaalada Dilla.

Buugtaas oo Cadadkoodu Dhanaa ku Dhawaad Boqol Kartoon oo iskugu Jiray Chemistry, Biology, Xisaab, English iyo Buugta Akhriska Maktabadaha la dhigo, waxayn Xaflad Lagu wareejinayo ka kala Dhacday Jaamacada Horn Xafiiskeeda Borama Iyo Schoolka Omar Good Ee Magaalada Dilla, Waxana Goob Joog ahaa Maamulka Jaamacada Horn international oo ay Horkacayso Marwo Bahja Omar Muhumed iyo Maamulada Schoolada La Gudoonsiiyay Buugta.

waxaana Jaamacada Ka Goan sii Wadista Taakulaynta Iyo Taageerada Bulshada .

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *