Madaxwaynihii Hore Ee Dalka Sudaan Cumar Albashiir Oo Hortegay Xeer Ilaalinta Suudaan

Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Cumar al Bashiir ayaa hortagay xeerilaalinta waxana Su’aalo laga waydiinayaa Afgambigii Uu Hogaaminayay ee uu talada ku qabsaday sanadkii 1989kii

Kulankan oo qaaatay mudo saacad ah ayaa waxa dibad joog ka ahaa qareenada Albashiir, waxana hadheeyay dibad-baxayaal ka soo horjeeda.

Albashiir ayaa iskii u go’aanaday inuu hor tago xeer-ilaalinta waxana ay tani la micno tahay inuu ku gacan saydhay taladii qareenadiisa ee ahayd in aanu hortagin xeerilaalinta

Haddii Mr Bashir lagu helo inuu ka dambeeyey afgambiga, waxa laga yaaba in lagu rido xukun dil ah ama xabsi daa’in.

Mr Bashir ayaa lagu hayaa xabsiga Kober oo ku yaala caasimadda Khartoum.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *