Daawo:- Wasaarada Caafimaadka S/land Ayaa Kulan Deg Deg Ah Isugu Yeedhay Hay’adaha Kala Shaqeeya Caafimadka.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL oo mudooyinkii u dambe heegan ugu jirtay sidii looga hortagi lahaa cudurka CORONAVIRUS ee halistiisu dunida kusii fidayso aya kulan degdeg ah xaaruunta Wasaaradda H. Caafimaadka JSL kula qaadatay Hay’addaha Calamige kashaqeya Arimaha Caafimaadka.

Kulankan oo uu gudoominayay Wasiirka WHC ayna ku weheliyaan Gudiga Gurmadka Degdega ah (Emergency Committee) oo ka kooban masuuliyiinta sarsare Wasaaradda iyo khuburo Cafimaad ayaa ujeedadiisu ahayd sidii la iskaga kaashan laha kahortaga cudurka #Coronavirus

Masuuliyiinta Wasaarada & khuburada cafimad ayaa mudooyinkii u dambeeyay lahaa kulamo joogto ah iyadoo ay hawlwadeenada iyo khibradlayaasha caafimaadka ee Wasaaradda H. Caafimaadku si toos ah uga baadhitaano Caafimaadka uga wadeen xuduudaha dalka dibadiisa lasoo galo kuwaasoo adeegsanayay qalab casri ah & tababaro aqooneed oo dunidu xiligan u adeegsato ka hortaga CORONAVIRUS.

Kulankan ay wasaaradu la qaadatay Hay’addaha Caalamiga ah ee ka hawl gala dalka ayaa la isla qaatay inay Hay’aduhu goobahay ka hawlgalaan kala shaqeyaan wasarada si la iskaga kaashado kahortaga xanuunkan iyado lagu shaqaynayo barnaamij siyasadeedka Wasarada e kahortaga & xakamaynta xanunada faafa iyo hahabka caalamiga ahe u khaaska ah kahortaga cudurka

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *